Saturday, October 13, 2012

SOMCABLE THE HIGH SPEED FIBER OPTIC COMPANY

Somcable to roll out next-gen broadband across Somaliland



Sample photo

Civil work activities

Across Africa, new information technologies are rapidly changing the lives of a small but growing number of people. In rural Gabiley a farmer will be able to get real-time information on market prices in the capital, Hargeisa, through a mobile phone.

In Buroa, Somaliland, entrepreneurs who in the past were not able to get a dial tone on their land-line telephones can now connect immediately using Internet telephony, technology that allows phone calls to be made through the Internet.

Our Carrier of Carrier Services will enable other telecom operators including Mobile Operators, ISP’s and Cable TV Operators use our high capacity infrastructure to connect to their clients and backhaul the services to their networks.
We will soon also provide International Private Lines (IPL) for International Connectivity. We are deploying a fully redundant infrastructure to ensure that our wholesale customers are able to achieve their SLA’s.


  • Somcable will also provide connectivity solutions that help government institutions and agencies to meet today’s challenges and reduce costs at the same time.
  • Internet Backbone Services
  • Satellite Backbone Services
  • International Gateway Services
  • Teleport Services
  • Broadcast Signal Distribution Services
  • Collocation Services

http://somcable.com/

 

Shirkadda Somcable iyo dhaqdhaqaaqyadeeda magaaladda Hargeysa




Shirkadda Some Cable ee isgaadhsiinta casriga ah ayaa bilihii u danbeeyey dhaqdhaqaaq xoogan ka waday guud ahaan dalka,gaar ahaana bartamaha Suuqyadda Magaaladda Hargeysa,waxaanay hadda gacanta ku hayaan oo ay bilaabeen qodista iyo jeex jeexista gododka luugu talada galay inay maraan xadhkuhu,waxaana halkaa ka muuqata inay kaga dhabeeyeen suura galinta Adeeggii ay u balan qaaday bulshadda reer Somaliland ee ahaa Cable-ka Badda Hoostiisa mara,taasoo ay ku doonayeen inay ummaddooda ka baahitiraan dhanka Isgaadhsiinta.



haddaba waxa aanu Boga ganacsiga ee wargeyska dawan wareysiyo kala duwan kula yeelanay qaar ka midda bulshadda ku dhaqan Somaliland kaas oo ku saabsan bal siday u arkaan adeegyadda ay soo kordhisey shirkadda SomCable,ugu horeyna waxaanu wax ka waydiinay Mr Xasan oo ka mida aqoonyahanada waxaana uu yidhi.


“Runtiina sidaynu ka wada war qabno waxay noqonaysaa shirkaddii u horaysay ee dalka Somaliland ka hirgelindoontaa Adeegga Cable-ka Badda hoostiisa mara
Shirkadda SOMCABLE ee oggolaanshaha keenista isgaadhsiinta casriga ah ee badda hoosteeda la mariyo ka heshay xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Silaanyo iyo xukuumaddii hore ee Rayaale, ayaa dhawaanahan dhaqdhaqaaq wayn ka wadda guud ahaan dalka.





qaabka shirkadda SOMCABLE u hireglinayso fullinta qandaraaska Cable-ka badda hoosteeda oo ah mashruuc isgaadhsiineed oo loogu talogalay inuuisku xidho Somaliland iyo dalalka ku yaal Afrikada bari, Koonfur Afrika, Asia iyo Europe taaso
Maamulka shirkadda SOMCABLE ,xafladdii furi taanka keenista adeegooda ee (2010-kii)lagu qabtay Hudheelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa,ay umaddda reer Somaliland ugu balan qaadeen inay dhawaan dalka keeni doonaan xadhigga isgaadhsiinta badda hoosteeda la mariyo ee loo yaqaan “Fiber-optic,” kaas oo ay xuseen in ay keenayaan xarunta ay isugu yimaaddaan xadhkaha cable-da dalka Jabuuti ee aynu deriska nahay.
nidaamka shirkadoodu u shaqayn doonto, waxay ku tilmaameen in SOMCABLE ka iibin doonto shirkadaha isgaadhsiinta dalka, balse aanay iyaga hawshoodu ahayn keenista isgaadhsiin toos ah.
sidoo kale waxay shirkadda SOMCABLE sheegtay inay ku kharash garayn doontaa mashruuca qodista xadhigga isgaadhsiinta badda hoosteeda lacag dhan 40 milyan oo doolarka Maraykanka ah, isla-markaana ay ka faa’iidaysan doonaan in badan dadka shaqeeya oo ka mid ah bulshada reer Somaliland ee aan hadda hayn shaqooyin rasmi ah.
Dhanka kale waxay shirkaddu balan qaaday in ay furayso saamiyo ay bulshada reer Somaliland ee hantilayaasha ahi kaga qayb-qaadanayaan maalgashiga mashruucan caalamiga ah.
Waxa kale oo si diiran u soo dhaweeyey shacbig Somaliland qorshahaasi kuna hambalyeeyay shirkadda SOMCABLE keenista xadhiga isgaadhsiinta casriga ah ee badda hoosteeda marta, kuna tilmaamay mid ku dedaalaysa horumarka dalka,
talaabadaasi mihiimka ah ee ay qaaday shirkadda SOMCABLE,waxay caddeynaysaa in isgaadhsiinta Somaliland tahay mid xor ah oo aan dawladdu wax farogalin ah ku samayn
Hadaba Markaad doonaysid inaad wax samaysid waxa fiican bal inaad ka fikirtid sida shirkadda Some Cable mustaqbalka adiga oo adeegsanaya taatikooyinkii inaad dalkaaga keento wax mustaqbal iyo Aayatiin leh.
Sidoo kale, shirkadu waxay qayb wayn ka qaadataa arimaha bulshada. waxa kale oo adeega Some Cable ku jira oo ay qayb wayn kaga jirtaa xaga bilicda magaalada oo shirkada Some Cable adeegeedu waa mid hoos mara Badda iyo mid dhulka hoostiisa la marinayo.
Markaa shirkada SOME CABLE xiligii ay samayneysay daraasada waxay ku dareen bal hada sidii ay faa’iido u keeni lahaayeen ee aynay khasaare u soo kordhin una sii siyaadin dhibaatada hada ka jirta dalka oo waxay ka fikireen hab kaa lagaga bixi karo,maxaa yeelay hada CAALAMKU waxa uu marayaa inuu noqdo qariirad yar in lays arko oo lawada hadlo,yagoo taa ka duulayana waxay shirkad ahaan inay somaliland keenaan wax loo yaqaano Fiber-optic
Dalka waxa horumariya dadkiisa, marka laga reebo waxqabadka xukumadda taladda haysa, balse waxa dalku dhismaa markay dadkiisu maal geliyaan ee hantidooda iyo maalkoodda u huraan. Tan iyo intii Somaliland goonida isu taagtay waxa jira shaqsiyaad fara badan oo dalkooda ku sameeyey Maalgashiyo balaadhan oo wax ku ool ah sida ina Aw Siciid oo kale.
Shirkada Somcable waxay dhowaan looga fadhiyaa inay dalka guud ayaan ka hergeliso xadhkaha ama Cable-ka badda hoostiisa mara kaas oo ka mid ah horumarka ugu danbeeya ee wakhtigan ay dunidu isticmaasho dhinaca isgaadhsiinta. Mashruucan Somcable wuxuu sahlayaa isgaadhsiintii dhinaca Telephonada iyo Internet-ka, sidoo kale waxa uu qayb ka noqonayaa shaqo abuurista bulshadda reer Somaliland ka helaya tirro dad ah oo aad u ballaadhan.
Dalku wuxuu leeyahay xoog da’ yar u badan oo shaqo la’aani hayso maadaama dalkeenu curdin yahay, hadba dadka dhaqaalaha haysta maxaa u diidaya in ay wershadaha waaweyn ee sida Sibidhka oo kale iyaguna maalgashadaan si ay shaqo uga helaan dad badani.
Waxaan nasiib darro u arkaa dadka ka daba qaylinaya ama dacaayadaha raqiiska ah ka fidinaya shaqsiyaad ka ildheer garadka ah ee jecel in ay wadan kooda ku sameeyaan maal gashi sida shirkadda Somcable,oo kale markaa waxaan leeyahay Gacmaha shisheeye waxa ka wanaagsan gacmaha wadaninyiinta,waxa sidaasi sheegay aqoon yahan da,a yar oo jaamacadda Hargeysa ka barta ITC,SYSTEM-ka
Waxa aan aad ugu han waynahay in uu noqon doon Cable-ka khadka Internetka ee dhawaan la keenayo magaalada Berbera in uu kaalin weyn ka qaadan doono horumarka dalka iyo dadka Somaliland-ba, kaas noqon doona mid ay Somaliland kaga duwanaan doonto dalal badan oo Afrika ku yaal.
Cabdi Naasir oo ka Mida dadka iyagu indha indheeya horumarka ayaa ku tilmaamay xadhiga isgaadhsiinta casriga ah ee Somaliland heshay, mid wax weyn ka tari doonto horumarka bulshada ee dhinacyada waxbarashada iyo dhaqaalaha.
Hadaba waxaan aad iyo aad u jecelahay inaan halkan ku xuso Maxamed Aw Siciid oo ah cidda iska leh ama ay ka timi fikirka keenista qorshahani oo runtii ah qof aan is qarin Karin taariikhda Somaliland ay wax badan ka qori doonto,
Ayaan waxaan rabaa in aan qormadan ku soo qaato dhawr qodob oo ku saabsan ama ka midda waxyaabihii uu u qabtay Somaliland.
1:keenista cable-ka badda hoostiisa mara kaas oo noqon doona mid waxa wayn ka tari doona horumarka wadanka isla markaasina qayb libaax ka qaadan doonta shaqo abuurista bulshadda Somaliland.
2:waftigii reer Somaliland ee ka qayb galay xafladii madax banaanida ee south sodan oo uu iska lahaa fikraddii ama astaantii ay waftigu kaga qayb galeen munaasibadaasi,oo ahayd mid si wayn u soo jiidatay indhaha bulshadda Caalamka kadib markii uu u sameeyey Laas koodhado ay xardhan tahay magaca iyo Calanka wadanku xubnahaasi matalaayey Somaliland oo uu hogaaminaayey Madax wayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
3:waxa kale oo qayb wayn ka qaataa dhinacyada kootara biishanka ama caawimooyinka kala duwan ee ay ka mid ka yihiin,sida Abaaraha ,Caafimaadka,Waxbarashadda,xaaladaha dagdaga ah iyo dhismayaasha bilicda leh waxa sidaasi yidhi.Maxamed Jaamac oo ka mida dadka u dhuunta daloola muwaadiniinta maalgashiga ku sameeyey dalkooda.
Axmed Macalin Maxamuud
Somaliland.Org/Hargeysa

No comments:

Post a Comment