Saturday, September 15, 2012

Hingaad-saxaha afka-Soomaaliga|Maxamed Mursal-(Somali spell checker)

Hingaad-saxaha afka-Soomaaliga (Somali spell checker)Hingaad-saxahii ugu horeeyay ee afka-Soomaaliga oo la soo bandhigay
Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan mujtamaca qora afka-Soomaaliga ugu bishaareyneynaa in uu soo baxay hingaad-saxahii (Spell checker) ugu horeeyay ee afka-Soomaaliga. Hingaad-saxahaas oo lagu isticmaalikaro barnaamijyada kumbuyuutarada sida, OpenOffice iyo Mozilla (sida Firefox). Labada barnaamij iyo hingaad-saxahaba waa barnaamijyo ay xuquuqdooda fasaxantahay (Open Source, Copyright free). Barnaamijyada ay xuquuqdooda fasaxantahay waxaa isticmaalikaro qof walba, mana loo baahna in la bixiyo wax lacag ah.
Hordhac
Waxaa hubaal ah in qofwalba oo afka Soomaaliga wax ku qoro uu la’kulmo xaalad uu kumbuyuutarka yiraahda magacaaga/magacaada ma’saxsana ee makuu saxaa Fiiri sawirka 1aad. Sababta ugu wacana waxaytahay in kumbuyuuutarka uusan aqoonin afka aad wax ku qoreysid (waxaa ka maqan liiska erayadaada). Si baahidaas looga baxo loona helo xal wax ka tara horumarnti afka soomaaliga waxaa lagama maarmaan ah in afkeena loo helo hingaad-saxe. Waana arrinta igu dhalisay in aan bilaabo mashruucan.
Sawir 1: Tusaale erayo af-Soomaali ah oo uusan kumbuyuutarka aqoonin.Mashruuca hingaad-saxaha wuxuu bilaawaday bishii Juun ee sankii 2007:da, wuxuuna ahaa mid howshiisa lagu qabtay hab tabarucaad ah. Waxaa mashruuca gacan ka geystay Borofeysar Kevin P. Scannell (Saint Louis University) oo ku nool dalka Mareykanka. Kaalmada uu ka geystay Bor. Kevin Scannel waxay ku timid markii aan ka war helay in aan aniga iyo asagaba wada qabnay hammi ah in aan u sameyno hingaad-saxe afafka aan ugu hadlo sida afkeena hooyo. Kevin wuxuu asalkiisa ka soo jeedaa dalka Irland, afkiisa hooyane waa Gaeilge (Irish language), anigana sida uu qof walba u qiyaasankaro wuxuu noqday afka-Soomaaliga (Af maxaatiri). Waxaa jirta in laba luqaddood ama afood ee aan kor ku soo xusnay aysan ahayn afafka adduunka ugu caansan, ayna yihiin afaf aanan in badan ka muuqannin masraxyada qoraalka. Waxaana afkeena (Soomaaliga) u raacay da’ yari iyo horumar la’aan ay sii fogeysay burburka dalka ku dhacay. Waxaa jirta in aniga iyo Kevin uusan midkeena ahayn aqoonyahan afeed, ee aan ku taqasusnay cilmiga kumbuyuutarada. Waxaana rabaa in maqaalkaan uu noqdo mid aqoonyahanada Soomaaliyeed ku dhiirageliya, sidii ay ugu faa’ideynlahaayeen ummaddooda baahida u qabta aqoontooda.Habka loo fuliyey
Mashuuca wuxuu ka bilaawdey markii aan islameeldhignay aniga iyo Kevin in dhowr kun oo eray oo afka-Soomaaliga ah loogu gudbiyo barnaamij-kubuyuutareed (Corpus), si uu tixraac ugu sameeyo bogagga Internetka ee laga helo erayada loo dhiibay. Waxaa ku xigay in si fayllal ahaan ah loo soo dejiyo bogaggaas, lana diiwaangeliyo erayada laga helay. Waxaa dhacday in guud ahaan uu barnaamijka soo helay ilaa 4 200 000 (afar malyal iyo laba boqol oo kun) oo eray. Markii baaritaan lagu sameeyay soo noqnoqodka eraya (word frequency), waxaa soo baxday in erayga iyo uu yahay eraygii ugu badnaa inta la soo uruuriyey, waxaana ugu yaraa erayga beeraha oo soo noqnoqday ilaa iyo 150 jeer, fiiri shaxda 1.
iyoeesooayaabeeraha
68013
53604
42509
26591
150
HTML clipboard
HTML clipboard
Asal
magac
anigaa
adigaa
asagaa
ayadaa
anaggaa
idinkaa
ayagaa
nadiifi
nadiifis
nadiifiyay
nadiifisay
nadiifiyay
nadiifisay
nadiifinay
nadiifiseen
nadiifiyeen
sharci
s
yay
say
yay
say
nay
seen
yeen
HTML clipboard

Natiijada iyo Gabagabo

Mashruucan waxaa ka dhashay hingaad-saxe kooban oo u gaar ah afka-Soomaaliga si uu u noqdo mid dhammaystiran wuxuu u baahanyahay in uu helo erayo ka badan kuwa hadda ku jira, lana helo bulsho ka qeybqaadato ururinta iyo sixista erayadaas.
Hingaad-saxahan waa caddadkii ugu horeeyay, waana hingaad-saxe aysan dhankiisa erayada dhameytirneyn. Sababaha aan u soo bandhignay asaga oo aanan dhamestirneyn ayaa waxay ahayd in ay bulshada aragto kana geysato taageerada ay awoodo. Wuxuu ka koobanyahay erayo tiro yar waxaana soo bixidoona caddadyo cusub mustaqbalka haduu Alla idmo.
Wixii dheeraad ah waxaad kala soconkartaa bogga www.opensourcesomalia.org . Waxaana jira fidiyow (Video) ku saabsan sida loo keydsankaro hingaad-saxaha.

1 comment:

  1. Frames For Glasses

    The best way to try glasses - We will send you up to five pairs of Oscar Wylee glasses to try at home before you buy.There's no obligation to buy.Shipping is free in both directions!

    ReplyDelete