Hordhac
- “Islamic banking and finance is no longer just a theory or a dream, in fact it is now an emerging, evolving reality” Prof. Khurshid Axmed
Horumarkaas lixaadka leh ee bangiyada Islaamku ku tallaabsadeen ma aha wax iska yimid, ama sida dadka qaarkiis moodaan, wax la soo bilaabmay soo ifbixii bangiyada Islaamka. Soo ifbaxa bangiyada Islaamku wuxuu qayb ka ahaa dadaal Islaam raadis ah oo ay hormuudka ka ahaayeen siyaasiyiin, aqoon-yahanno, fuqaha iyo muslimiin badan oo isbeddel doon ah. Dadaalladaas xaq raadiska ahi, marka laga soo tago wacyigelinta guud iyo u jidbaysnaanta shareecada Islaamka, waxyaabaha la taaban karo ee uu ku guuleystay, mirihiisana maanta la guranayo, waxaa ka mid ah soo ifbaxa Bangiyada Islaamka. Bangiyada Islaamkuna waa qayb ka tirsan dhaqaalaha Islaamka. Dhaqaalaha Islaamkuna waa qayb ka mid ah diinta Islaamka. Islaamkuna waa diin dhammaystiran oo buuxinaysa dhammaan baahiyaha aadamaha. Baahiyahaasi ha noqdeen kuwo qofeed ama kuwo bulsho, kuwo nafeed ama kuwo maal, siyaasad iyo dhaqaale, qaanuun iyo dhaqan, gudo iyo dibed. Waa qaab nololeed dhammaystiran oo daboolaysa caqiidada iyo mucaamalaadka, shuruucda iyo nidaamka. Waa qaab dhaqan iyo ilbaxnimo, waxay leedahay nidaam maaliyadeed iyo mid ganacsi, nidaam siyaasadeed iyo mid dawladnimo. Quraanka iyo sunnuhu waa labada ilood ee sharciga. Qiyaaska, ijmaaca iyo ijtihaad-kuna waa hab lagu turjumo quraanka iyo sunnaha si loogala soo dhex baxo xukun. Nidaamkaasi waa mid ku salysan caddaalad, himilooyinkiisana waxaa ka mid ah ciribtirka wax kasta oo xaaraam ah, sida ribada, qararka, khammaarka, iwm.
Mid ka mid ah waxyaabaha aasaaska u ah bangiyada Islaamka, oo ay kaga duwan yihiin bangiyada kale waa ku dhegganaanta shareecada Islaamka iyo ka dheeraanshaha wax kasta oo shareecada agteeda xaaraam ku ah, sida ribada, qararka iyo khammaarka.
In kastoo bangiyada Islaamka lagu sameeyey daraasado fara badan, lagana qoray buugaag aad u badan oo iftiiminaya heerarkii ay soo mareen, sida ay u shaqeeyaan, aaladaha ay isticmaalaan, waxa ay kaga duwan yihiin bangiyada ku shaqeeya nidaamka ribada, derbiyada hortaagan iyo sida ay u wajaheen isbeddellada caalamka sida jaahwareerada dhaqaale, haddana waxaa muuqata in dadka ku hadla luuqadda Soomaaligu weli ka oomman yihiin cilmigaas. Buuggan, oo intaan ka warhayo, noqonaya buuggii u horreeyey ee ka hadla bangiyada Islaamka, u qoran qaab cilmiyaysan (academic) kuna qoran af-Soomaali, in kastoo uusan dabooli karin baahiyaha faraha badan ee loo qabo fahanka, guud ahaan nidaamka maaliyadeed ee Islaamka, gaar ahaan kan bangiyada Islaamka, haddana waxaan rajaynayanaa in uu noqdo tallaabo horseed ah.
Guud ahaan buuggu afar qaybood ayuu ka kooban yahay. Qaybta koowaad, guudmar, waxay ka kooban tahay afar cutub. Cutubka 1aad wuxuu raadraac ku samaynaysaa waqtigii ay soo bilaabmeen bangiyada Islaamku, ciddii bilowday, ujeeddooyinka iyo himilooyinka bangiyadaas, heerarkii ay soo mareen, derbiyada horyaal, waxa bangiyada Islaamku kaga duwan yihiin bangiyada ku shaqeeya nidaamka ribada, iyo mustaqbalka bangiyada Islaamka. Cutubka 2aad, wuxuu hummaag ka bixinayaa sida bangiyada Islaamku ugu baahsan yihiin caalamka. Cutubka 3aad, wuxuu lafagur ku samaynayaa jaahwareerkii dhaqaale ee 2007-2009 iyo sidii bangiyada Islaamku isaga caabbiyeen. Cutubka 4aadna wuxuu kormar ku samaynayaa dhaqaalaha Islaamka.
Qaybta labaad, aasaaska nidaamka maaliyadeed ee Islaamka, waxay soo bandhigaysaa tiirarka aasaaska u ah nidaamka maaliyadeed ee Islaamka. Maaddaama caqdigu uu gundhig u yahay adeegyada iyo hawlaha bangiyada Islaamku qabtaan oo dhanna, cutubka 5aad wuxuu muuqaal ka bixinayaa caqdiga beyca. Cutubka 6aad wuxuu soo bandhigayaa ribada, qararka, maysirka iyo khammaarka oo ka mid ah waxyaabaha xaaraamta ah oo bangiyada Islaamku kaga duwan yihiin bangiyada ku shaqeeya nidaamka ribada. Cutubka 7aadna wuxuu wuxuu wax ka ifiiminayaa muuqaalka, hawlaha ay qabtaan iyo ahmiyadda ay leeyihiin guddiyada culimada ah ee la taliya bangiyada Islaamka (Sharia boards).
Qaybta saddexaad, sidee u shaqeeyaan bangiyada Islaamku, waxay ka kooban tahay saddex cutub. Cutubka 8aad wuxuu muuqaal ka bixinayaa sida bangiyada Islaamku hantida u ururiyaan (deposit side) iyo adeegyada ay u qabtaan macaamiisha. Cutubka 9aad iyo 10aad waxay si qoto dheer u falanqaynayaan aaladaha iyo nidaamyada bangiyadu isticmaalaan markay maalgelimaha samaynayaan. Meesha cutubka hore ka hadlayo aaladaha ku salaysan wax-isku-darsiga (equity based), cutubka dambe, wuxuu ka hadlayaa aaladaha ku salaysan deymaha (debt based).
Qaybta afraad, hey’adaha hantida u maammula sida waafaqsan shareecada Islaamku, waxay ka kooban tahay saddex cutub. Cutubka 11aad wuxuu muuqaal ka bixinayaa noocyada iyo aaladaha ay adeegsadaan hey’adaha hantida u maammula sida waafaqsan shareecada Islaamka. Cutubka 12aad iyo 13aad waxay kormar ku samaynayaan labo ka mid ah adeegyadii ugu dambeeyey ee ku soo biira caalamka maaliyadda Islaamka, i.e. sukuk-ga iyo takaaful-ka.
Buuggaani, sida labadii buug ee ka horreeyey, “Furaha Ganacsiga iyo Hoggaamiye”, waa buug u qoran qaab cilmiyaysan oo akadeemig ah (academic), sidaas aawadeed, buuggaan waxaa loo isticmaali karaa koorsooyinka Bangiyada Islaamka ee jaamicadaha iyo macaahidda sare ee dalka. Sidoo kale, buuggu wuxuu marjac iyo wehel u noqon karaa dadka ka shaqeeya, daneeya, dhiga, dhigta ama ku hawlan siday u fahmi lahaayeen guud ahaan nidaamka maaliyadeed ee Islaamka, gaar ahaan bangiyada Islaamka.
Saciid Cali Shire
B.Sc (Hon), PGD, M.A., M.Sc., M.Phil, MIBC, MIIBF
t. 00 (4) 783 8236 171
e. saidshire@hotmail.com
w. www.buuh.net
No comments:
Post a Comment